Connect with us

somalilandtoday.com

Wasiirka Amniga Jubbaland Oo Ka Baxsaday Xabsi Uu Ku Xidhnaa

focus

Wasiirka Amniga Jubbaland Oo Ka Baxsaday Xabsi Uu Ku Xidhnaa

Wasiirka Amniga Jubbaland Oo Ka Baxsaday Xabsi Uu Ku Xidhnaa

(SLT-Muqdisho)-Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa Goordhow shaaciyay in saaka xabsiga uu ka baxsaday Wasiirka amniga dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdi nuur Janaan, kaasi oo muddooyinkii dambe u xidhnaa dowladda Federaalka.

War qoraal ah oo barteeda Facebook ay kusoo qortay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Zakiya Xuseen Axmed ayaa waxaa ay ku sheegtay in Wasiir Janan uu saaka ka baxsaday halkii ku xidhnaa.

Sidoo kale Taliye Zakiya ayaa tilmaamtay in hay’addaha amniga dowladda ay ku raadjoogan Wasiirka amniga dowladda Goboleedka Jubbaland, isla markaana uu socdo howlgal kala duwan.

“Wasiirkii hore Amniga Jubbaland Cabdirashid Xasan (Janan) ayaa saakay ka baxsaday halkii u ku xidhnaa, heyadaha amniga ayaa ku raad jooga inay gacanta kusoo dhigaan eedeysanahaas oo loo haysto danbiyo kala duwan, shacabkuna ay soo wargaliyaan hadii ay arkaan” ayay tidhi Zakiya Xuseen Axmed

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Wasiir Janan ka qabatay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde xili uu kusii jeeday Magaalada Addis-Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya, waxaana dowladda ay sheegtay in loo heystaa danbiyo kala duwan uu ka galay shacabka Gobolka Gedo.

More in focus

To Top