Connect with us

somalilandtoday.com

Weerar Lagu Qaaday Safaarad Uu Leeyahay Mareykanku Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

focus

Weerar Lagu Qaaday Safaarad Uu Leeyahay Mareykanku Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Weerar Lagu Qaaday Safaarad Uu Leeyahay Mareykanku Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

(SLT-Ciraaa)-Saddex madfac ayaa gelinkii dambe ee shalay lagu weeraray dhismaha safaaradda Mareykanka ee Magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa kusoo warrantay in mid kamid ah madaafiicdaas uu ku dhacay maqaaxi ku taala gudaha dhismaha safaaradda, halka labada kalena ay ku dhaceen meel aan sidaa uga fogeyn.

Sidoo kale Reuters oo soo xiganeysa ilo dhanka ammaankaa ayaa sheegtay in saddex qof ay ku dhaawacmeen, waxaana ay noqoneysaa markii ugu horeysay oo shaqaale katirsan safaaradda Mareykanka ee dalkaas ay ku dhaawacmaan weerar noocan oo kale ah.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weeraradaas, haseyeeshee Dowladda Mareykanka ayaa ku eedeysay kooxaha taabacsan Iran ee ka dagaalama gudaha dalka Ciraaq.

Ra’iisul wasaaraha dalka Ciraaq, Adel Abdul Mahdi ayaa cambaareeyay weerarka, wuxuuna sheegay in sii socoshada falalka noocan oo kale ay dalka Ciraaq ka dhigeyso goob dagaal.

Dowladda Mareykanka ayaa dhiggeeda Ciraaq ugu baaqday in ay gudato waajibaadkeeda ah ilaalinta diblomaasiyiinta Mareykanka ee ku sugan dalka.

More in focus

To Top