Connect with us

somalilandtoday.com

Muwaadiniinta Israa’iil Oo Markii Ugu Horraysay Loo Ogolaaday Inay U Safraan Sucuudiga

focus

Muwaadiniinta Israa’iil Oo Markii Ugu Horraysay Loo Ogolaaday Inay U Safraan Sucuudiga

Muwaadiniinta Israa’iil Oo Markii Ugu Horraysay Loo Ogolaaday Inay U Safraan Sucuudiga

(SLT-Tel Aviva)-Israa’iil ayaa ku dhawaaqday in markii ugu horraysay ay muwaadiniinteeda u ogolaan doonto inay u safraan waddanka Sucuudi Carabiya, taas oo ah astaantii ugu dambeysay oo lagu hagaajinaayo xidhiidhka labada dal.

Hasayeeshee Sucuudi Carabiya ayaanan weli ku dhawaaqin waxay dhinaceeda sameynayso.

Israa’iil iyo Sucuudiga malaha wax xidhiidh ah oo diblumaasiyadeed balse cabsida ay labaduba ka qabaan Iiraan ayaa haatan isu soo dhaweyneysaa.

Waxaa jiray xidhiidho hoose oo u dheexeyo Iiraan kaas oo ay kaga hadlayeen sidii looga hortagi lahaa saameynta Iiraan ay ku leedahay gobolka Bariga Dhexe.

Israa’iil waxay ku rajo weyn tahay in muwaadiniinteeda ay u safraan Sucuudiga gaar ahaan kuwo doonayo in waajibaadka xajka ay gutaan ama howlo ganacsi.

Sucuudiga kama hadlin hadalka kasoo baxay Israa’iil, waxay u muuqata in Sucuudiga uu isku dayayo in uu la yimaado siyaasado furfuran. Waxaa uu Sucuudiga bilaabay dal ku gal loogu talagalay dalxiisayaasha balse muwaadiniinta Israa’iil xaq uma laha dal ku galkaa.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top