Connect with us

somalilandtoday.com

Turkiga Oo Ansixinaya Sharci Dhiirri-galin Kara Kufsiga Dumarka

focus

Turkiga Oo Ansixinaya Sharci Dhiirri-galin Kara Kufsiga Dumarka

Turkiga Oo Ansixinaya Sharci Dhiirri-galin Kara Kufsiga Dumarka

(SLT-Ankata)- Turkiga ayaa soo saaridoona sharci cusub oo u oggolaanaya ragga in ay ka badbaadaan in la maxkamadeeyo haddii ay guursadaan gabdhaha ay kufsadeen ama ay galmo aan caadi aheyn la sameeya.

Sharcigan oo hal ku dhig u ah,”  guurso gabadhada aad kufsatay.” ayaa loo gudbiyay barlamaanka dalka Turkiga dhamaadka bishii hore.

Haweenka u ololeeya xuquuqda dumarka ayaa ka cadhooday sharcigan, iyagoo ku doodaya in uu jidka u xaarayo sii socoshada kufsiga isla markaana uu sharciyeyn doona guurka carruurta iyo kufsiga sharciga ah.

Wadamo badan oo ay kamid yihiin, Egypt, Jordan, Lebanon, Morocco, Tunisia, iyo falastiin ayaa hore qaawiniintooda uga saaray sharcigaan.

Sharci kan la mid ah ayaa  fashilmay sanadkii 2016 kadib cadho caalami ah oo ka dhalatay.

Xisbiga mucaaradka Turkiga ayaa ku baaqay in sharcigaan la jebiyo.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 38% dumarka ku nool Turkiga ay la kulmaan gacan ka hadal ama xadgudubka galmada.

More in focus

To Top