Connect with us

somalilandtoday.com

Farmaajo Oo Maanta Ku Waajahan Dalka Eratariya

focus

Farmaajo Oo Maanta Ku Waajahan Dalka Eratariya

Farmaajo Oo Maanta Ku Waajahan Dalka Eratariya

(SLT-Muqdisho)-Maadaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Asmara ee Caasimada dalka Eratariya.

Ujeedka Madaxweyne Farmaajo ee dalkaas ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galka shirka saddex geesoodka ah ee Magaalada Asmara uga furmi doona Madaxweynaha Eratariya Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo shalay halkaas gaadhay.

War qoraal ah oo bartiisa Twitter-ka uu kusoo qoray Abiy Axmed ayaa waxaa uu ku shaaciyay in Asmara uu kulan kula yeelan doono Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo iyo Isaias Afwerki,  iyagoona ka wada hadli doona arrimo kala duwan.

Shir Saddex geesoodka ayaa waxaa ay kaga wada hadli doonaan Arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya saddexda dal iyo arrimo kale oo ku aadan Gobolka.

Safarka uu Madaxweyne Farmaajo ku tagayo Asmara ayaa waxaa shaaciyay Wasiirka Warfaafinta Eratariya, waxaana saacadaha soo socda lagu wadaa in Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ay halkaas gaadhaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horaantii bishaan Jeeniwari ee 2020 socdaal ku tegay Magaalada Asmara ee Caasimadda dalka Eratariya.

More in focus

To Top