Connect with us

somalilandtoday.com

Mareykanka Oo Diiday Tallo Soo Jeedin Uga Timid Dalka Iiraan

focus

Mareykanka Oo Diiday Tallo Soo Jeedin Uga Timid Dalka Iiraan

Mareykanka Oo Diiday Tallo Soo Jeedin Uga Timid Dalka Iiraan

(SLT-Washington)- Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Washington ay cunaqabateynta ka qaadi doonin dalka Iiraan.

Iyadoo wali ay ka taagan tahay gacanka Khaliijka xiisad dagaal ee u dhaxeysa Washington iyo Tehraan ayaa hadane Trump wuxuu meesha ka saaray talaabo kasta oo Iiraan lagaga qaadayo xayiraada Dhaqaale.

Hogaamiyaha Mareykanka ayaa tilmaamay in Mareykanka aanu qaadi doonin xayiraada inta Iiraan ay wado bacriminta maadada Uranium-ka ee hubka Nuclearka taasi oo Iiraan ay dhowaan Shaacisay.

Hadalka Trump ayaa jawaab u ahaa war ka soo baxay wasiirka arimaha dibada Iiraan Maxamed Javad Zarif oo ahaa in wadahadal ay la galayaan Mareykanka.

Mr Zarif ayaase ku xidhay shuruud ah in Washington ay saxdo qaladkii hore ayna ka qaado xayiraada dhaqaale ee saaran Dalkiisa.

Diblumaasiga reer Iiraan ayaa dhankiisa sheegay in ayna ka soo dabci doonin Go’aankooda.

Xiisada labada wadan ayaa cirka isku shareertay kadib dilkii 2-dii bishan Mareykanka uu ku qaarijiyay taliyihii ciidanka kacaanka Iiraan Janaraal Qaasim Suleymaani.

Iiraan oo ka jawaabeysay ficilkaan ayaa dhankeeda laba mar weerartay saldhigyada ciidanka Mareykanka ee ku sugan dalka Ciraaq.

More in focus

To Top