Connect with us

somalilandtoday.com

Sirdoonka Soomaaliya Oo Soo Bandhigay Fanaan Sheegtay Inuu Ka Tirsan Yahay Al-Shabaab

focus

Sirdoonka Soomaaliya Oo Soo Bandhigay Fanaan Sheegtay Inuu Ka Tirsan Yahay Al-Shabaab

(SLT-Muqdisho)-Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa waxay soo bandhigtay muuqaal kooban, oo laga soo duubay Abshir Gaarane Axmed oo ka mid ahaa Fanaaniinta Gobolka Banaadir.

Muuqaalkan oo lagu baahiyay barta NISA ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu yidhi “Abshir Gaarane Axmed oo ka tirsan Kooxda Fanka Gobalka Banadir, una qaabilsanaa argagixisada Al Shabaab xuuraanka & maaliyadda ayaa dabagal dheer ka dib NISA gacanta ku soo dhigtay, iyadoo loo gudbinayo Hay’adaha Garsoorka.”

Abshir Gaarane ayaa muuqaalkan ku qirtay inuu Ururka Al Shabaab ku biiray sanadkii 2013, isla-markaana uu u qaabilsanaa macluumaadka iyo maaliyadda.

“Kooxdan Al Shabaab waxaan la shaqo bilaabay 2013-kii, shaqadeeda waxaa waaye Fanaan, waxaana ka shaqeeyaa Gobolka Banaadir, qaybtiisa Fanka iyo Suugaanta. Aniga waxaan u qaabilsanaa qaybta macluumaadka iyo dhanka maaliyadda.” Ayuu yidhi Abshir Gaarane.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top