Connect with us

somalilandtoday.com

Dowladda Shiinaha Oo Ka Dalbatay Canada Inay Sii Deyso Madaxa Fulinta Ee Shirkada Huawei

focus

Dowladda Shiinaha Oo Ka Dalbatay Canada Inay Sii Deyso Madaxa Fulinta Ee Shirkada Huawei

(SLT-Canada)-Dowlada Shiinaha ayaa soo cusbooneysiisay baaqeeda ahaa in la sii daayo madaxa fulinta ee shirkada Huawei Ms Meng Wanzhou, oo ku xidhan Canada.

Afhayeenka wasaarada arimaha dibada Shiinaha Geng Shuang, ayaa sheegay in xukuumada Ottawa looga baahan yahay in ay saxdo khaladkeeda.

Ms Wanzhou ayaa Mareykanka ku eedeeyay in macaamil ay la gashay shirkado laga leeyahay Iiraan.

Shiinaha ayaa dhanka kale meesha ka saaray in Meng ay ku lug leedahay arimo Siyaasadeed.

Haweeneyda ah madaxa dhanka maaliyada shirkada taleefanada shiinaha ayaa bishii December ee sanadkii 2018-kii lagu xidhay magaalada Vancouver kadib codsi Canada uga yimid Mareykanka.

Si kastaba ha ahaatee haweeneydaan ayaa la filayaa in markale ay ka soo muuqato Maxkamada Canada.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top