Connect with us

somalilandtoday.com

Booliska INGIRIISKA Oo Loogu Baaqay Inay Xidhaan Madaxweynaha Masar

focus

Booliska INGIRIISKA Oo Loogu Baaqay Inay Xidhaan Madaxweynaha Masar

(SLT-London)-Sharci-yaqaano ku sugan UK ayaa Booliska London u gudbiyay codsi ah in xidho madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-Siisii oo ay ku eedeeyeen doorkii uu ku lahaa geerida Maxamed Mursi.

Madaxweynihii hore ee sida dimuquraadiga ah ay u soo doorteen shacabka Masar ayaa istaaga ka dhacay, isagoo ku sugnaa Maxkamada magaalada Qaahira.

Sharci yaqaanadaan ayaa intaa ku daray in dowlada Masar ay si khaldan u adeegsatay awoodeeda taasi oo sabab u ah in xanuun uu u dhinto madaxweyne afganbiga xilka looga qaaday Cabdifataax Al-Siisii.

Baaqaan ayaa imaanaya iyadoo Madaxweyne Cabdi Fatah Al-Siisii Isniintii shalay socdaal laba maalmood ah ay uga bilaabatay UK.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top