Connect with us

somalilandtoday.com

Orodyahan Caan Ka Ah Dalka Kenya Oo Cagihiisa Kaga Baxsaday saraakiisha Ka Tirsan Dawladda

focus

Orodyahan Caan Ka Ah Dalka Kenya Oo Cagihiisa Kaga Baxsaday saraakiisha Ka Tirsan Dawladda

(SLT-Nairobi)-Orodyahan caan ka ah dalka Kenya ayaa ka baxsaday xero tabbabar lagu siinayay si uu uga cararo saraakiil orodyahanada ka baadheysay dawooyinka sare u qaado tamarta ee aan loo ogoleyn orodyanada adduunka inay isticmaalaan.

Waxay arrintani muujineysaa dhibaatooyinka dowladda ay kala kulmeyso dadaallada la xidhiidha in ciyaaraha orodka laga cidhibtiro dawooyinka mamnuuc ah ee la isticmaalo.

Saraakiisha ayaa si lama filaan ugu duulay xero lagu tababaro orodyahanada oo ku taal magaalada Kapsabet ee galbeedka Kenya.

Orodyahanka ayaa markii uu arkay saraakiisha waxaa uu ka booday deerta xerada isla markaasna si xowli ah ayuu u baxsaday.

Barnaba Korir oo kamid ah orodyahanada Kenya ayaa xaqiijiyay dhacdada balse ma ay sheegin magaca orodyahanka ka baxsaday saraakiishi baaritaanka wadday.

Waxay u muuqataa in orodyahankan laga ganaaxi doono.

Shantii sanno ee lasoo dhaafay 60 orodyahan oo u dhashay dalka Kenya ayaa cunaqabateyn lagu soo rogay markii ay jebiyeen xeerka ka hortagga dawooyinka tamarta kordhiyo.

Korir wuxuu sidoo kale sheegay in orodyahanada lagu qabto falalka noocan ah aysan heysan waddo kale oo aan ka aheyn inay baxsadaa.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top