Connect with us

somalilandtoday.com

Fayras Cusub Oo Ka Dilaacay Dalka Shiinaha

News

Fayras Cusub Oo Ka Dilaacay Dalka Shiinaha

(SLT-Beijing)-Fayras cusub ayaa ka dilaacay dalka shiinaha Shiinaha, kaas oo durtaba laga helay dad tiradoodu gaadhayso 136 qof, xaaladahan cusub ee Fayraska ayaa saamayn ku yeelanaya habka neef-mareenka. Magaalada caasimada ah ee Beijing ayaa lagu soo waramayaa in laga helay laba kiis, halka Shenzhen la xaqiijiyey hal kiis.

Tirada guud ee uu haleelay Fayraska cudurkani ayaa hadda kor u dhaaftaysa 200, saddex qofna way u dhinteen.

Xaaladahan kacsan ee Fayraskan ayaa ku soo beegmaya xilli malaayiin Shiinees ah isu diyaarinayaan inay u safraan ciidaha sannadka cusub.

Saraakiisha caafimaadku waxay caddeeyeen Fayraskan, kaasoo markii ugu horreeyay laga soo saaray Wuhan bishii December, isagoo ah nooc ka mid ah corona-virus. Waxay sheegeen inuu asiibayo inuu bukoodo habka neefmareenadu, laakiin wax badan oo ku saabsan illaa iyo hadda lama oga.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in News

To Top