Connect with us

somalilandtoday.com

Xuutiyiinta Yemen Oo In Ka Badan 50 Askari Ku Dilay Weerar Ay Ku Qaadeen Xeryo Millateriga Sucuudiga.

focus

Xuutiyiinta Yemen Oo In Ka Badan 50 Askari Ku Dilay Weerar Ay Ku Qaadeen Xeryo Millateriga Sucuudiga.

(SLT-Yeman)-Weerar xoog leh oo kooxda xuutiyiinta ay ku qaadeen xero millateri oo ku taalla dalka Yemen ayaa lasoo sheegayaa inay ku khaarijiyeen in ka badan 60 askari, tobanaan kalena ay dhaawacmeen sida uu baahiyay telefeshinka Al-Ekhbariya oo laga leeyahay dalka Sucuudiga.

Xerada militeri ee la weeraray ayaa waxa ay ku taallaa magaalada Maarib ee dalka Yemen, iyadoona weerarka la xaqiijiyay in loo adeegsaday gantaallo iyo dayaarado aan cidina wadin.

Dowladda Sucuudiga ayaa ku eedaysay weerarkan in Xuutiyiinta ay ku garab siisay dowladda Iran.

Sanadkii 2014-kii, Xuutiyiinta ayaa xukunka ka tuurtay dowladdi uu caalamku aqoonsanaa, waxayna la wareegeen caasimada dalkaas ee Sanca iyo inta badan waqooyiga wadanka Yemen.

Sucuudiga oo hoggaan ka ah isbaheysiga la dagaalanka Xuutiyiinta ayaa si joogto ah weerarro khasaare gaysta kala kulma kooxaha Xuutitiyiinta

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top