Connect with us

somalilandtoday.com

Ninkii Ugu Gaaban Dunida Oo Geeriyooday

focus

Ninkii Ugu Gaaban Dunida Oo Geeriyooday

Ninka ugu gaaban dunida ee socda, sida laga soo xigtay diiwaanka waxyaabaha mar la aragga ah ee Guinness World Records (GWR), ayaa ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla dalka Nepal isagoo jira 27 sano.

Khagendra Thapa Magar, oo ka soo jeeda degmada Baglung ee dalka Nepal, ayaa cabiirka dhererkiisa uu yahay 67.08cm (2ft 2.41in).

Walaalkiis ayaa shalay sheegay in ninkan uu u dhintay pneumonia.

GWR ayaa ammaanay Mr Magar, iyagoo yidhi “Gaabnidiisa kama aysan hor istaagin inuu noloshiisa ku raaxeysto”.

Mr Magar ayaa sanadkii 2010-kii oo uu 18 jir ahaa loo aqoonsaday ninka ugu gaaban dunida, kaddib xaflad dhalashadiisa loo dhigay oo ay ka qeyb galeen dadka deegaanka iyo wufuud kale oo caalami ah.

“Iskuma maleeyo nin yar. Waxaan ahay nin weyn. Waxaan rajeynayaa in xilkan uu ii suurtogelin doono inaan taas xaqiijiyo oo aan guri fiican u helo nafteyda iyo qoyskeygaba,” ayuu yidhi xilligaas

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top