Connect with us

somalilandtoday.com

Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Lala Eegtay Injineero U Dhashay Dalka Turkiga Oo Ka Dhacay Degmada Afgooye

focus

Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Lala Eegtay Injineero U Dhashay Dalka Turkiga Oo Ka Dhacay Degmada Afgooye

(SLT-Muqdisho)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax loo adeegsaday gaadhi laga buuxiyay waxyaabaha Qarxa oo Maanta ka dhacay Bar Koontarool oo ku taalla Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha.

Qaraxaas oo jugtiisa laga maqlay inta badan Xaafadaha Degmada Afgooye ayaa sigaar uga dhacay Barta-Koontarool ee Boodboodka Afgooye, waxaana lala eegtay Injineero Turki oo ku howlanaa dhisamaha wadada isku xidha Afgooye iyo Muqdisho iyo Ciidamo ka tirsan Booliska dowladda oo ilaali u ahaa Turkiga.

Qaraxa ayaa waxaa ka dhashay Khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaadhay Askarta Tukiga ahaa iyo kuwa Booliska Soomaaliya oo ilaalo ka haayay, waxaana qaraxu qabsaday xili ay ku sugnayeen Barta-Koontarool ee Boodboodka Afgooye.

Ugu yaraan Saddex ruux oo turkiga ayaa ku dhaawacmay qaraxa, halka ay waxyeelo kale ay soo gaadhay Ciidanka Booliska dowladda iyo dad shacab ah oo xiligaas goobta ka Agdhawaa.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz ayaa xaqiijiyay in saddex qof oo Turki ah ay dhaawacmeen, kuwaasi oo ku howlanaa dhismaha wadada isku xidha  Afgooye iyo Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in qaraxaas uu ku dhaawacmay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska, In kastoo weli Warkaas aysan ka hadlin Taliska Booliska Soomaaliya.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxa ka dhacayay ayaa muujinayay saameynta lahaa qaraxa, waxaana halkaas ku burburay gaadiid kala duwan oo ay lahaayeen Turkiga iyo Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top