Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Biixi Oo Maanta Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Dalka Ingiriiska U Qaabilsan Somaliland Iyo Soomaaliya

focus

Madaxweyne Biixi Oo Maanta Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Dalka Ingiriiska U Qaabilsan Somaliland Iyo Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiska ku qaabilay safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Ben Fender.

Kulanka waxa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga soo jireenka ah ee labada dal ka dhexeeya iyo arrimo la xidhiidha dhinacyada amniga mandaqadda geeska Afrika, kobcinta iyo kor u qaadidda waxbarashada, sidoo kale waxa kulankaasi lagu lafo guray arrimaha doorashooyinka dalka.

Waxaanu madaxweynuhu safiirka iyo weftiga uu hoggaaminayo uga mahadnaqay xidhiidhka wada shaqayneed ee labada dal ka dhexeeya iyo sidii loo sii dardar gelin lahaa loona xoojin lahaa xidhiidhkaasi.

Dhiniciisa, safiirku waxa uu sheegay inay ka dawlad ahaan marwalba diyaar u yihiin wada shaqaynta labada dal in la xoojiyo lagana wada socdo wixii hadba ku soo kordha mandaqadda geeska Afrika.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top