Connect with us

somalilandtoday.com

IRAN Oo Soo Saartay Digniin Ka Dhan Ah Dalalka Yurub

focus

IRAN Oo Soo Saartay Digniin Ka Dhan Ah Dalalka Yurub

(SLT-Tehran)-Madaxweynaha Iiraan xasan Ruuxaani ayaa wadamada reer Galbeedka ugu baaqay in ciidankooda ay kala baxaan bariga dhexe haddii kale ay wajihi karaan khatar Xooggan.

Maanta waxaa khatar wajahaya Millatariga Mareykanka bari waxaa khatarta waajihi doona kuwa Yurub, haddii ayna ka bixin gobolka ayuu yidhi Arbacadii shalay kadib Khudbad uu ka jeediyay Ruuxaani tv-ga qaranka Iiraan.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya maalin uun kadib markii wadamada UK Faransiiska iyo Jarmalka ay ku eedeeyeen xukuumada Tehran in ay jabisay heshiiskii hubka Nuclear-ka oo wadamada quwadaha la galeen Iiraan sannadkii 2015-ka.

Dalalka reer Yurub ayaa sheegay in ay ka laabanayaan si xukuumada Tehraan ay ugu qasbaan ilaa Iiraan ay ka xaqiijineyso heshiiska (JCPOA).

Xiisada ka taagan bariga dhexe ayaa labadii todobaad ee la soo dhaafay cirka ku aloosneyd kadib dilkii Mareykanka uu ugu geestay agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Baqdaad taliyihii ciidanka kacaanka Janaraal Qaasim Suleymaani.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top