Connect with us

somalilandtoday.com

Xuutiyiinta YEMEN Oo Weerar Ka Gaystay Gudaha Dalka Sacuudiga

focus

Xuutiyiinta YEMEN Oo Weerar Ka Gaystay Gudaha Dalka Sacuudiga

(SLT-Riyadh)-Maleeshiyada xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa sheegtay in diyaarad dagaal oo nooca duuliyaha aan laheyn ay ka soo rideen dalka Sacuudiga.

Diyaarada ayaa markii la soo ridayay dul socotay buuraha gobolka koonfureed ee Jizan oo xad la wadaaga dalka Yemen.

Warsaxaafadeed lagu baahiyay fiidnimadan xalay Tv-ga Al-Masiirah ee ku hadla afka xuutiyiinta ayaa lagu sheegay in gantaal lala helay diyaarada.

Xukuumadda Riyaad ayaa dhankeeda ka gaabsatay warka ka soo baxay maleeshiyada Xuutiyiinta.

Isbaheysiga uu hogaaminayo Sacuudiga ayaa duulaan xooggan ku qaaday dalka Yemen sanadkii 2015-kii iyagoo tan iyo xiligaasi dagaal xoogan kula jira kooxda Xuutiyiinta.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top