Connect with us

somalilandtoday.com

SOOL: Ciidammada Somaliland Oo Saldhig Cusub Ka Qabsaday Puntalnd

focus

SOOL: Ciidammada Somaliland Oo Saldhig Cusub Ka Qabsaday Puntalnd

(SLT-Boocame)-Wararka aanu ka helayno deegaanka Boocame ee gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan ciidammada qaranka Somaliland ay goordhoweyd la wareegen Saldhigii deegaankaasi oo ciidamada Puntland ay hore ugu hayeen gacanta.

Saldhigaasi Boocame ayaa waxa gacanta ku hayey Ciidamo ka tirsan Puntland kuwaasi oo ay kala wareegen Ciidamo kale ka mid ah kuwa qaranka Somaliland oo iyagu hore uga tirsanaa Ciidamada maamulka Puntland.

Ciidamadan maanta la wareegay Saldhiga Boocame ayaa waxay calanka Somaliland ka taageen gudaha saldhigaasi, waxaana hor kacayay ciidamadaasi sida la sheegay Saraakiil caan ka ah deegaanada maamulka Puntland horena uga soo goostay.

Ilaa iyo hadda majiro wax war ah oo ka soo baxaya maamulka Puntland iyo xukuumadda Somaliland.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top