Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Kulan La Qaatay Suldaanka Cusub Ee Dalka Cummaan

focus

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Kulan La Qaatay Suldaanka Cusub Ee Dalka Cummaan

(SLT- Masqad)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafti uu hogaaminayo ayaa gaadhay Magaalada Masqad ee Caasimadda dalka Cummaan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii uu gaadhay halkaas saacado kadib waxaa uu kulan la qaatay Suldaanka Cusub ee dalkaas Haitham Bin Daariq Ataymur, wuxuuna uga tacsiyadeeyay geerida Suldaan Qaabuus Bin Saciid.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uu suldaan Haitham Bin Daariq u rajeeyay inuu Cummaan ku hogaamin doono cadaalad, isla markaana uu ka shaqeyn doono horumarka dalkaas.

Magaalada Masqad ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa gaadhay Madax ka socota dalalka Carabta, kuwaasi oo ka qeyb galaya Tacsida qaran ee u taalada dowladda Cummaan iyo shacabkeeda, kadib markii maalmo kahor uu geeriyooday Suldaan Qaabuus Bin Saciid oo muddo xukumayay dalkaas.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top