Connect with us

somalilandtoday.com

Xisbiyadda UCID Iyo WADDANI Oo Shir Xasaasi Ah Ku Yeeshay Magaalada Hargeysa

focus

Xisbiyadda UCID Iyo WADDANI Oo Shir Xasaasi Ah Ku Yeeshay Magaalada Hargeysa

(SLT-Hargeysa)-Xisbiyadda UCID iyo WADDANI ayaa maanta oo Axadda ku shiray magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Hogaanka labada xisbi ayaa xarunta xisbiga UCID ku kulmay iyadoo kulankooda aan loo ogolayn warbaahinta, isla markaana ay ka gaabsadeen markii uu kulanku usoo dhammaaday in ay warbaahinta la hadlaan.

Kulankooda ayaa imanaya xili maalinta berri ah ay madaxda labada xisbi mucaarid la kulmi doonaan madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxda mucaaridka ee kulanka yeeshay waxa ka mid ahaa Faysal Cali Waraabe, gudoomiyaha UCID, Cabdiraxmaan Cirro, gudoomiyaha WADDANI iyo hoggaamiyaha xisbigaas Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top