Connect with us

somalilandtoday.com

Mujaahid Cabdilaahi Xasan Meecaad Oo Ku Geeriyooday Hargeysa, Madaxweynaha Oo Tacsi U Diray

focus

Mujaahid Cabdilaahi Xasan Meecaad Oo Ku Geeriyooday Hargeysa, Madaxweynaha Oo Tacsi U Diray

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Mujaahid Cabdilaahi Xasan Meecaad oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 12/01/2020, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Waxaanu Madaxweynuuhu Marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay shacbiga Somaliland door muhiimana ka soo qaatay halgamadii kala danbeeyey ee dalka loo soo maray, sidoo kale waxa uu qayb ka soo qaatay nabadayntii, dib u dhiskii iyo dawladnimada Somaliland, waxaanu wakhtigan ka mid ahaa saraakiisha wasaaradda gashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa in uu u naxariisto jannadiina ka waraabiyo. waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta. guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top