Connect with us

somalilandtoday.com

Khilaaf Xooggan Oo Soo Kala Dhaxgalay Dowladaha Iiraan Iyo Ukraine

focus

Khilaaf Xooggan Oo Soo Kala Dhaxgalay Dowladaha Iiraan Iyo Ukraine

(SLT-Tehran)-Khilaaf xooggan ayaa soo kala dhaxgalay dowlada Ukraine iyo Iiraan kadib diyaaradii rakaabka waday oo maalinimadii Arbacada ku burburtay caasimada Tehraan.

Shilkaan oo ahaa mid kam ah ayaa waxaa ku dhintay 176 ruux oo iskugu jiray shaqaale iyo rakaab saarnaa Diyaarada.

Inkastoo Ukraine ay isla maalintaa shaki ka muujisay in si dabiici ah uu ku dhacay burburka diyaarada ayaa hadane dowlada Iiraan waxay qiratay in ciidankeeda ay soo Rideen.

Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy ayaa qoraal uu ku soo qoray barta uu ku leeyahay Facebook wuxuu ku dalbaday in baadhitaan dhab uu doonayo in loogu sharaxo qaabka ay wax u dhaceen.

Waxaan dooneynaa in la ciqaabo kuwii ka danbeeyay falkaan, magdhowna ay siiso xukuumada Tehraan qoysaska ay ka baxeen dhibanayaasha raali galin dhab ahna ay la Timaado.

Madaxweyne Zelenskyy ayaa dhanka kale ugu baaqay dowlada Iiraan in macluumaadka baadhitaanada ay la wadaagto 45 khabiir oo ku taqasusay shilalka diyaaradaha oo ka so socda Ukraine.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top