Connect with us

somalilandtoday.com

Amiirka Qadar Oo Maanta Booqanaya IRAN Iyo Ujeedka Safarkiisa

focus

Amiirka Qadar Oo Maanta Booqanaya IRAN Iyo Ujeedka Safarkiisa

(SLT-Tehran)-Amiirka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa maanta oo Axad ah booqanayaa dalka Iran si uu wadahadal ula yeesho masuuliyiin uu ka mid yahay Madaxweyne Hassan Rouhani.

Amiirka ayaa subaxnimadii manta  ka ambabaxay Doha,isagoo aaday aaday dhanka caasimada Cumaan ee Muscat, si uu uga tacsiyadeeyo geerida Sultan Qaboos bin Saciid Al Saciid, isagoo ka dib u socdaali doona Iiraan,sida ay qortay wakaaladda wararka ee Qadar.

Booqashada Amiirka ee Tehraan ayaa timid xilli ay jiraan xiisado kacsan oo ka taagan Khaliijka kadib dilkii Mareykanku ku dilay Qassem Soleimani  oo ahaa taliyihii ugu sareeyay Iran ee Baqdaad iyo sidoo kale gantaal aargoosi ah oo Iran ay ku beegsatay bartilmaameedyada Mareykanka ee Ciraaq.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top