Connect with us

somalilandtoday.com

Suldaankii Boqortooyadda Cumaan Suldaan Qaaboos Oo Geeriyootay

focus

Suldaankii Boqortooyadda Cumaan Suldaan Qaaboos Oo Geeriyootay

(SLT-Cumaan)-Suldaan Qaboos Bin Saciid oo ahaa Suldaankii Boqortooyada Cumaan ayaa geeriyooday sida laga soo xigtay Telefishinka dalka Cumaan iyo Wakaaladda wararka ee dowladda.

Bayaan ka soo baxay Maxkamadda Saldanada Cumaan ayaa lagu sheegay in Suldaan Qabos uu Alle oofsaday habeenimadii Jimcaha.

Waxaa bayaanka lagu sheegay in Suldaan Qabos uu dalka Cumaan ku hoggaamiyay siyaasad isku dheelitiran oo adduunka oo dhan ay xushmeeyaan.

Saddex maalmood oo baroordiiq ah ayaa lagaga dhawaaqay Cumaan, waxaana calanka waddanka hoos loo dhigi doonaa muddo 40 maalmood ah.

Qoyska boqortooyada Cumaan ayaa ku qasban inay go’aan ka gaadhaan muddo 72 saacadood gudahood ah cidda beddeli doonta Qaboos.

Suldaan Qabos ayaa ahaa ninka boqortooyada carabta ee ugu xukunka dheeraa, waxaana uu muddo xanuunsanayay, iyadoo la sheegayay inuu qabay kansar.

Qabos ayaa da’diisu aheyd 79 jir ah, wuxuu xukumay dalka Cumaan illaa iyo markii aabihiis uu xukunka ka tuuray afgambi aan dhiig ku daadan sannadkii 1970.

Tan iyo markii uu la wareegay awoodda, Suldaan Qaboos wuxuu Cumaan ka dhigay dal casri ah oo leh kaabayaal dhaqaale, isagoo ka bedelay xaalad go’doon aheyd.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top