Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Safar Degdeg Ah Ku Tagaya Dalka Eritrea

focus

Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Safar Degdeg Ah Ku Tagaya Dalka Eritrea

(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa maanta oo Jimce ah u safri doona magaalada Asmara ee dalka Eritrea, kaddib markii uu martiqaad ka helay dhiggiisa Isaias Afwerki.

Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Asmara ayaa la xidhiidha arrimo ku saabsan iskaashiga Gobolka iyo xaalado muddooyinkii u dambeeyay soo kordhay.

Soomaaliya ayaa qeyb ka ah Isbaheysiga saddex geesoodka ee Eritrea iyo Itoobiya ee Is dhex galka iyo Iskaashiga Gobolka, sidoo kale Soomaaliya iyo Eritrea ayaa ka mid ah Isbaheysiga cusub ee dalalka ku yaalla Badda Cas iyo Gacanka Caddan oo dhowaan Wasiirada Arrimaha dibadda ee 8 waddan ku kulmeen Magaalada Riyadh.

Dowladda Eritrea ayaa muddooyinkii u dambeeyay loo arkayay inay heysay malafka arrimaha Gobolka ee danaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ay leeyihiin, iyadoo bishii hore Madaxweyne Isaias Afwerki uu booqasho ku tagay Imaaraadka Carabta, maalmo kaddibna waxaa uu tagay Addis Ababa.

Eritrea ayaa bishii November ee sanadkii hore ku eedeysay Qatar inay dalkeeda ka wado xasillooni darro iyo kacdoon ay dooneyso inay ku kiciso dhalinyarada, abuurista falal amni darro oo ay ka mid tahay sameynta Kooxo shirqoolo dilal ku fuliya Mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha sare.

Dowladda Soomaaliya ayaa xulufo dhow la ah dalka Qatar oo ka taageer dhinacyo kala duwan oo dhaqaalaha ugu weyn yahay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top