Connect with us

somalilandtoday.com

Dawladda Turkiga Oo Ka Hadashay Mashruuc La Xidhiidha Beeraha Oo Ay Ka Fulinayaan Somaliland

focus

Dawladda Turkiga Oo Ka Hadashay Mashruuc La Xidhiidha Beeraha Oo Ay Ka Fulinayaan Somaliland

(SLT-Hargeysa)-Hay’adda Horumarinta Kalmooyinka ee dalka Turkiga (TIKA) ayaa shaacisay inay Jamhuuriyadda Somaliland ka hirgelinayso mashaariic kor loogu qaadayo dhinaca Beeraha.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo turjuntay War qoraal ah oo ay soo saartay Hay’adda Horumarinta Kaalmooyinka Turkiga oo sheegtay inay Somaliland ka fulinayso mashruuc looga gol leeyahay kor u qaadista tayada iyo tirada dallagyada beeraha iyo xoolaha si looga gaashaanto mustaqbalka saameynta abaaraha.

Warku wuxuu intaas ku daray in Masuuliyiinta Hay’adda TIKA ay 100 xubnood oo ka mid ah Beeraleyda Khudrada ee Gabiley ku wareejiyeen 40 kiilo oo ah siidhka Tamaandhada, basbaaska iyo sunta cayayaanka iyo bacrimiyeyaasha beeraha.

Isku-duwaha Hay’adda TIKA u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Galip Yılmaz ayaa sheegay inuu beeralayda u rajaynayo in wax-soosaarkoodu noqdo mid waxtar leh oo ay ka faa’iidaystaan taageerada Turkiga.

Masuulkaa ka socday Hay’addaas Turkiga ah ayaa balanqaaday in dawladiisu sii wadayso inay taageerto dadka reer Somaliland.

Hay’adda TIKA waxay xustay in wejiga labaad ee Mashruuca ay ku saacidayaan beeralayda Gabiley uu noqon doono inay si casri ah u tababari doonaan beerlayda iyo inay siiyaan qalabkii u dambeeyey ee loo adeegasado beeraha.

Geesta kalena, Isku-duwaha Wasaaradda horumarinta Beeraha ee Gabiley Maxamed Maxamuud ayaa Hay’adda TIKA uga mahadceliyey taageerada ay siinayaan beeraleyda gobolkaas.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top