Connect with us

somalilandtoday.com

Qaramada Midoobay Oo War Ka Soo Saartay Duqeyntii Sucuudiga

focus

Qaramada Midoobay Oo War Ka Soo Saartay Duqeyntii Sucuudiga

(SLT-Riyadh)-Warbixin ka timid guddiga kormeerka cunaqabateynta  Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalama dalka Yemen ayna wax lug ah ku laheyn ama ayna fulin weeraradii gantaalada ee bishii Setembar lagu qaaday goobaha shiidaalka ee dalka Sacuudi Carabiya.

Khuburada madaxa bannaan ee golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay u xilsaareen kormeeridda cunaqabateynta saaran dalka Yemen ayaa sheegay in inkasta oo Xuutiyiintu ay sheegteen weerarada dhinaca gantaalada ee lagu qaadat goobaha saliidda dalka Sacuudiga, haddana Kooxdaasi ayna fulin gantaaladii 14-kii September ee sanadkii  2019 ku dhacay Abqaiq iyo Khurain.

Natiijooyinka ka soo baxay kormeerayaasha UN-ka ayaa  ku soo beegmeen xilli ay xiisado ka jiraan gobolka, ka dib kolkii Mareykanku uu dilay sarkaal sare oo ka tirsan Iiraan ,laguna magacaabo Qassem Soleimani oo ku sugnaa Ciraaq.

Baadhayaasha Qaramada Midoobey ayaa sheegay in gantaalada lagu weeraray goobaha saliida Sacuudiga aysan ka imaan dhulalka ay gacanta ku hayaan Xuutiyiihnta Yemen balse ay fulliyeen diyaaradaha Darooniska.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top