Connect with us

somalilandtoday.com

Askari Ka Tirsan Ciidanka Waddooyinka Puntland Oo Lagu Dilay Badhtamaha Magaalada Boosaaso

focus

Askari Ka Tirsan Ciidanka Waddooyinka Puntland Oo Lagu Dilay Badhtamaha Magaalada Boosaaso

(SLT-Boosaaso)-Dabley hubaysan ayaa askari katirsan ciidanka taraafikada Puntland ku dilay badhtamaha magaalada Bosaaso.

Cumar Xaaji Yuusuf, oo ahaa askari caan ka ah Boosaaso, ayaa lagu dilay agagaarka xarunta dowladda hoose, maanta barqadii, kadib markii rag ku hubaysan bastoolado ay rasaas la dhaceen.

Dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay in dilayaashu baxsadeen booliiskuna uu goobta gaadhay markii uu falku dhacay.

Lama oga cidda falkaan ka dambeysay, hase yeeshee Al-shabaab ayaa maalmihii ugu dambeeyay dilal qorshaysan ka geysanaysay magaalada Boosaaso, oo sannadihii ugu dambeeyay ammaankeedu sii xumaanayay.

Maalmo kahor maxkamadda ciidammada Puntland, ayaa dil ku xukuntay rag katirsan Al-shabaab iyo Daacish oo Boosaaso ku dilay askar iyo saraakiil ciidan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top