Connect with us

somalilandtoday.com

Qarax Xooggan Oo Ka Dhacay Isgoyska Sayidka Ee Magaalada Muqdisho

focus

Qarax Xooggan Oo Ka Dhacay Isgoyska Sayidka Ee Magaalada Muqdisho

Faah-faahinno dheeri ah ayaa laga helayaa qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaadhi laga soo buuxiyey walxaha qaraxa, kaas oo barqadii maanta ka dhacay isgoyska Sayidka ee magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa inta badan jugtiisa laga maqlay xaafadaha Muqdisho, iyadoo ay weerar kala duwan ka soo baxayaan khasaaraha uu geystay.

Gaadhiga qarxay ayaa ku jiray saf lagu baadhayey gaadiid sugayey in la hubiyo, si ay u maraan Control ku yaalla halkaasi oo laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada Qaranka.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen ugu yaaraan illaa shan qof, ayna ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Sidoo kale waxaa ku burburay gawaadhi xilligaas ku jiray safka baadhitaanka.

Illaa iyo hadda ma jirto cid faah faahin guud ka bixisay qaraxaasi.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale haatan wada baadhitaano dheeraad ah oo ku aadan qaraxa, kuwaas oo xidhay gabi ahaan Sayidka.

Qaraxaan ayaa ku soo beegmaya maalmo kadib midkii xooganaa ee 28-kii bishii hore ka dhacay isogoyska Ex Control Afgooye ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare badan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top