Connect with us

somalilandtoday.com

IRAN Oo Shaacisay Tirada Askarta Mareykanka Ah Ee Lagu Dilay Weerarkii Xalay

focus

IRAN Oo Shaacisay Tirada Askarta Mareykanka Ah Ee Lagu Dilay Weerarkii Xalay

(SLT-Tehran)-Taleefishinka dowladda Iran ayaa sheegay in ugu yaraan 80 “argagixiso Mareykan ah” lagu dilay weeraradii 15-ka gantaalo ee lagu qaaday saldhigyada Mareykanka ee Ciraaq.

Taleefishinka ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanka ay ku guul-darreysteen in xitaa hal ka mid ah gantaallaadeeda dhexda laga qabto.

Sheegashada Iran looma xaqiijin karo si madax-banaan, islamarkaana taleefishinka dowladda sooma bandhigin wax caddeymo ah.

Taleefishinka oo soo xiganaya Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah, ayaa sidoo kale sheegay in Iran ay diyaarisay 100 bartilmaameed oo ku yaalla Bariga Dhexe, oo ay beegsan doonto, haddii Washington ay qaaddo tallaabo aargudasho ah.

Hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in weerarkii Iran ay xalay qaadday uu ahaa “dharbaaxo wejiga looga duiftay” Mareykanka, waxaana uu ku baaqay in ciidamada Mareykanka ay ka baxaan gobolka.

“Ficillada militari ee noocan ah kuma filna. Waxaa muhiim ah in lasoo afjaro joogitaanka musuq-maasuq ee Mareykanka ee gobolka,” ayuu Khamenei ku yiri khudbada laga sii daayey taleefishinka.

Dhinaca kale, dhammaan Mareykanka iyo dalalka xulufada la ah ee ciidamadooda ay ku sugan yihiin labada saldhig ee Iran ay weerartay ayaa sheegay in wax khasaare nafeed ah aysan soo gaarin askartooda.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top