Connect with us

somalilandtoday.com

Diyaarad Ay Saarnaayeen 180 Qof Oo Ku Bur-Burtay Meel Aan Ka Fogeyn Caasimada Dalka IRAN Ee Tehran.

focus

Diyaarad Ay Saarnaayeen 180 Qof Oo Ku Bur-Burtay Meel Aan Ka Fogeyn Caasimada Dalka IRAN Ee Tehran.

Warbaahinta dalka Iran ayaa kusoo warrantay in diyaarad nooceedu yahay 737 oo ay saarnaayeen 180 qof ay ku burburtay meel aan ka fogeyn caasimadda Iran ee Tehran.

Wakaaladda wararka ee Fars ayaa kusoo warrantay in diyaaradan oo ay leedahay shirkadda duulimaadyada ee Ukraine ay burburtay waxyar un kadib markii ay ka kacday garoonka diyaaradaha ee Imam Khomeini ee caasimadda Tehran.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay ee shilka diyaaradda.

Wararku waxay intaa ku darayaan in diyaaradda ay kusii jeeday caasimadda Ukraine ee Kiev, ilaa iyo haddana ma cadda waxa sababay shilka diyaaradda iyo in ay la xidhiidho xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Iran.

Wixii warar ah ee kasoo kordha halkan kala soco.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top