Connect with us

somalilandtoday.com

Shacabka Liibiya Oo Loogu Baaqay Dagaal Ka Dhan Ah Ciidanka Turkiga

focus

Shacabka Liibiya Oo Loogu Baaqay Dagaal Ka Dhan Ah Ciidanka Turkiga

(SLT-Tripoli)-Janaraalkii hore ee ciidanka Liibiya oo hadda hogaamiya maleeshiyada ku sugan bariga ayaa ugu baaqay shacabka Liibiya in ay qaataan hubka si la iskaga difaaco waxa uu ugu yeedhay faragalinta Turkiga.

Mr Haftar ayaa sheegay in uu aqbali doonin heshiiska Millatari oo ay kala saxeexdeen xukuumada Ankara iyo Tripoli.

Dowlada Caalamka aqoonsan yahay ee ra’isul wasaare Fayez Al-Sarraaj ayaa tan iyo bishii April ee sanadkii hore weeraro xoogan kala kulmeysay maleeshiyada Janaraal Khaliifa oo hujuum xoogan ku soo qaaday Caasimada.

Baarlamaanka Turkiga ayaa Khamiistii hore ansixiyay in ciidamo millatari ah loo daabulo Liibiya si dhanka amniga ay kaga taageeraan dowlada caalamka aqoonsan Yahay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top