Connect with us

somalilandtoday.com

Odayaal Ka Soo Horjeedsaday Mashaariicda Imaaraadku Wado Puntland Oo Maxkamad La Soo Taagay

focus

Odayaal Ka Soo Horjeedsaday Mashaariicda Imaaraadku Wado Puntland Oo Maxkamad La Soo Taagay

(SLT-Hargeysa)-Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa Maxkamad hor-geeyay Madax-dhaqameed la sheegay inay ka soo horjeedsadeen Mashaariicda Horumarineed ee Dawladda Imaaraadka Carabtu ka waddo Deegaannada Puntland.

Odayaal dhaqameedka Maxkamadda Boosaaso la hor-geeyay Maanta ayaa marmar kala duwan Warbaahinta mariyey Hadallo ay ku muujiyeen inay ka soo horjeedaan Hawlaha Horumarineed ee Imaaraadku ka wado Gudaha Puntland, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Maamulka Dekedda Boosaaso oo lagu wareejiyey Shirkadda DP World oo Imaaraadka laga leeyahay.

Maxkamadda Degmada Boosaaso oo Maanta la horgeeyay Odayaasha oo xidhnaa ayaa Dhageysiga Dacwaddooda u mudday Maalinta Axadda ee Toddobaadka soo socda, si dhegaysiga Dacwaddooda loo sii ambo-qaado.

Imaaraadka oo Mashaariicda uu ka wado Puntland ay Odayaashani ka soo horjeedsadeen ayaa halkaa ka fuliyey Mashaariic ay ka mid yihiin Ballaadhinta Garoonka diyaaradaha ee Garoowe iyo Maalgelin uu ku samaynayo Dekedda Boosaaso.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top