Connect with us

somalilandtoday.com

Dowladda Shiinaha Oo Bilowday Qorshe Ay Ku Dabargoyneyso Qowmiyadaha Muslimiimta

focus

Dowladda Shiinaha Oo Bilowday Qorshe Ay Ku Dabargoyneyso Qowmiyadaha Muslimiimta

(SLT-China)-Dowlada Shiinaha ayaa lagu eedeeyay inay kordhisay dhibaatada ay ku heyso Muslimiinta laga tirada badan yahay ee ku dhaqan dalkaas.

Haweenka u dhashay qowmiyada Kazakh ayaa sheegay in caruurta si khasab ah lagaga soo xaaqo marka ay uurka Qaadaan.

Ms Gulsira Modgyn oo ka mid ah haween laga sii daayay xaryaha ay ciidanka Shiinaha ku oodeen dadka Muslimiinta ayaa xaqiijisay in si khasab ah daawo loo siiyay deetana ay sidaasi ku weydo cunuga ay caloosha ku Waday.

Qowmiyada Kazakh ayaa helin xuquuqda kala duwan oo ay dalka ku leeyihiin oo ay ka mid tahay aqoonsiga Muwaadinimo.

Iskander Akylbeyav oo ah gudoomiyaha gudiga xidhiidhka caalamiga ah ee arrimaha dibadda baarlamaanka Kazakhastan ayaa u sheegay warbaahinta in tacadigan uu mugdi soo galin karo xidhiidhka labada Waddan.

Dalalkan oo wadaaga xuduud dhararkeedu yahay 117 kiilo mitir ayaan la ogeyn halka uu xaalkooda ku danbeyn Doono.

Bishii September ee sanadkaan ayay aheyd markii dibadbaxyo xooggan oo lagaga soo horjeedo tacadiyada qowmiyada Kazakh ee dalka shiinaha ay kala kulmaan ciidanka amniga uu ka dhacay wadanka Kazakhastan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top