Connect with us

somalilandtoday.com

Xukuumadda Somaliland Oo Dacwad Ka Gudbinaysa Xisbiyadda Mucaaradka Ah

focus

Xukuumadda Somaliland Oo Dacwad Ka Gudbinaysa Xisbiyadda Mucaaradka Ah

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud, Maayarka Hargeysa iyo Taliyaha Ciidammada Asluubta ayaa sheegay inay Dacwad ka gudbinayaan Masuuliyiin ka mid ah Xisbiyada Mucaaradka ah oo Maalintii Shalay booqday dhul ku yaalla Bariga Magaalada Hargeysa, kaasi oo lagu muransan yahay.

Wasiirka Hawlaha guud Cabdirashiid-qambi, Taliyaha Ciidammada Asluubta iyo Maayarka Hargeysa oo si wada-jir ah Shir-saxaafadeed ugu qabtay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Masuuliyiinta UCID iyo WADDANI ee booqday Dhulka bariga Hargeysa oo Dawladda hoose siisay Ciidammada Asluubta, balse ay dad danyari ahi sheegteen inay iyagu leeyihiin, ay jeediyeen Hadallo aanay waxba ka jirin.

Masuuliyiinta hadlay waxay sheegeen inay doonayaan in Xubnaha Xisbiyada Mucaaradka ah ee booqday Dhulka la isku haysto ay Maxkamad ku soo taagaan hadallada ay jeediyeen oo ay sheegeen in aanay sax ahayn.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top