Connect with us

somalilandtoday.com

Ururka Taalibaan Oo Beeniyay In Heshiis Xabad Joojin Ah Ay La Galeen Mareykanka

focus

Ururka Taalibaan Oo Beeniyay In Heshiis Xabad Joojin Ah Ay La Galeen Mareykanka

(SLT-Kabul)-Ururka Taalibaan ayaa diiday warar sheegaya in kooxda ay heshiis xabad joojin ah ogolaatay xilli ay socdaan wadahadallada Mareykanka.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa jiray warar aan sax aheyn oo laga baahinayay warbaahinta balse ma jiro qorshe xabad joojin ah oo kooxda gaadhay, sidaasi waxaa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Isniintii shalay.

Kooxda ayaa beenisay heshiiska arintaan oo lagu baahiyay fiidnimadii xalay waxaana ay sheegeen in guddiga sare ee Taalibaan ayna wax go’an ah gaadhin.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in afarta xubnood ee ugu sarreeya wadahadalada ay la kulmeen golaha sare ee ururka Taalibaan.

Dhanka kale xubnaha u qaabilsan wadahadalka ururka Taalibaan ayaa Axadii shalay ku laabtay magaalada Dooxa oo ay ku leeyihiin xafiiska siyaasada dibada.

Matalayaha Mareykanka ee wadahadalka Afghanistan Mr Zelmay Khalilzad iyo saraakiisha siyaasada arimaha dibada wuxuu wadahadal uga socday tan iyo bishii September ee sanadkii 2018-kii uga socday magaalada Dooxa.

Ururka Taalibaan ayaa dhanka kale diiday in uu la hadlo xukuumada Kabul oo ay ku sheegeen in ay caamil u tahay dalalka reer galbeedka.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top