Connect with us

somalilandtoday.com

IRAN Oo Oo Si Kulul Uga Hadashay Weerar Maraykanku Ku Laayey Dagaalyahano Ay Taageerto

focus

IRAN Oo Oo Si Kulul Uga Hadashay Weerar Maraykanku Ku Laayey Dagaalyahano Ay Taageerto

(SLT-Tehran)-Dowlada Iiraan ayaa sheegtay in Mareykanka uu muujiyay in uu taageero kooxaha Argagixisada, kadib duqeyn dhanka cirka ah oo lagu qaaday xarumo ay leedahay kooxda Shiicada ee Kataaib.

Wasaarada difaaca Mareykanka ayaa Axadii sheegtay in duqeymo ay ka gaystay saldhigyo ku yaalla galbeedka Ciraaq iyo bariga Suuriya.

Howlgalkaan ayaa jawaab u ahaa duqeyn lagu dilay qandaraasle Mareykan ah oo ka dhacay laba maalimood ka hor, xero millatari oo ku taalla duleedka magaalada Baqdaad.

Dowlada Ciraaq ayaa dhanka kale ka cadhootay duqeynta Mareykanka oo ay ku dhinteen 25 dagaalyahan oo ka tirsanaa maleeshiyada Kataa’ib halka 55 kalena ay ku dhaawacmeen.

Afhayeenka wasaarada arimaha dibada Iiraan Jamaal Mousavi ayaa ku tilmaamay weerarka mid xadgudub ku ah madaxbanaanid Iiraan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top