Connect with us

somalilandtoday.com

Faransiiska Iyo Masar Oo Ka Hadlay Ciidanka Turkiga Ku Daabulayo Dalka Liibiya

focus

Faransiiska Iyo Masar Oo Ka Hadlay Ciidanka Turkiga Ku Daabulayo Dalka Liibiya

(SLT-Paris)-Hoggaamiyeyaasha Faransiiska iyo Masar oo taageero u ah Janaraalka Mucaaradka ah ee ku sugan Bariga Liibiya ayaa ku baaqay in laga dheeraado wax walba oo keeni kara dagaal sokeeye lagana shaqeeyo Xasiloonida Liibiya.

Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’isul wasaaraha Faransiiska Mr Emmanuel Macron ayaa looga digay dhibaatada ay keeni karto ciidanka dalka Turkiga ee loo daabulayo caasimada Tripoli.

Mr Macron oo la kulmay dhiggiisa Masar Cabdifataax Al-Siisii ayaa waxay isla garteen sida loogu baahan yahay xiligaan xal siyaasadeed lagu maareeyo xoogaga iskaga soo horjeeda dalkaan ku yaal waqooyiga Afrika.

Digniintan ayaa imaaneysa iyadoo Baarlamaanka Turkiga la filayo in maalinta Khamiista ah uu cod u qaado ciidanka loo daabulayo dalka Liibiya kadib markii maanta loo gudbiyay Mooshinka.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in uu diyaar u yahay daabulaada ciidankan kadib codsi taageero ah oo kaga yimid Liibiya.

Xisbiga mucaaradka ah ee CHP ayaa ka hor yimid galaangalka xukuumada Ankara waxaana ay digeen dagaal kale oo Turkiga wajihi Karo.

Gudoomiye ku xigeenka xisbiga CHP Mr Unal Cevikoz oo kulan la qaatay wasiirka arimaha dibada Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in aysan u codeyn doonin mooshinkaan.

Mr Cevikoz ayaa intaa ku daray in Turkiga uu ciidan u diray Suuriya ayna adagtahay in dagaal dhan kale ah uu Wajaho.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top