Connect with us

somalilandtoday.com

Xukuumadda Muuse Biixi Oo Xabsiga Ku Gurtay Xubno Ka Mid Ah Ehelada Xoghaye Ramaax+Magacyada Dadka La Xidhay

focus

Xukuumadda Muuse Biixi Oo Xabsiga Ku Gurtay Xubno Ka Mid Ah Ehelada Xoghaye Ramaax+Magacyada Dadka La Xidhay

(SLT-Berbera)-Ciidamada Booliiska Gobolka Saaxil Ayaa Xabsiga magaalada Berbera u Taxaabay Afar dhalinyaro ah oo Kamida Ehelada Xoghayaha Arimaha Gudaha Xisbiga UCID Ramaax Cali Hayste oo todobaadkan lagu Xidhay Xarunta C.I.D Magaalada Hargeysa.

Dhalinyaradan Ayaa Wararku Sheegayaan in laga soo xidhay Magaalada Sheekh iyo Tuulooyinka u dhow Ee hoos yimaada Degmadaasi Sheekh, kuwaasi oo loo soo dhaadhiciyey Xabsiga Dhexe Ee magaalada Berbera.

Magacyada Dhalinyaradan oo qaarkood ay walaalo yihiin Siyaasi Ramaax Cali Hayste ayaa magacayadoodu kala yihiin:

1.Deeq Cali Hayste

2.Cabdulaahi Cali Hayste

3.Cismaan Cabdi Hinaaase

4.Cabdi xasan haybe

Ilaa hadda Ma cadda Sababta keentay Xadhiga Dhalinyaradani ciidamada Booliisku ay kasoo Qabteen Magaalada Sheekh iyo Degaanada hoos yimaada, waxaana xadhigoodu dhalinyaradani ku soo beegmayaa markii dhawaan Degmadaasi Sheekh ay ka dhaceen Mudaharaad lagaga soo Horjeedo Xadhiga Siyaasi Ramaax Cali hayste, kuwaasi oo Mudaharadayaashu ay Xukuumada Madaxweyne Muuse ka Dalbanayeen In Xoriyadiisa loo soo Celiyo Siyaasi Ramaax

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top