Connect with us

somalilandtoday.com

Wargaysys Kasoo Baxa Turkiga Oo Shaaciyey In Dawladda Imaaraadka Carabtu Ay Ka Dambaysay Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho

focus

Wargaysys Kasoo Baxa Turkiga Oo Shaaciyey In Dawladda Imaaraadka Carabtu Ay Ka Dambaysay Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho

(SLT-Ankara)-Wargaysa kasoo baxa dalka Turkiga ayaa daabacay in qaraxii 28-ka bishan ka dhacay Ex-kontorool Afgooye ay ka dambeyso dawladda Imaaraatka Carabta, oo siyaasad ahaan kasoo horjeeda hawlaha ay dawladda Turkigu ka wadaan Soomaaliya iyo dalal kale.

Wargeyska Yeni Safak, oo aad ugu dhow dowladda Turkiga, ayaa warbixin uu daabacy ku sheegay in dhaxal sugaha dalka Imaaraadka Mohammed bin Zayed Al Nahyan uu lahaa amarka qaraxii Sabtigii Muqdisho ka dhacay, oo ay ku dhinteen 81 qof ilaa iyo hadda,

Wargeyska ayaa intaas ku daray in bartilmaameedka weerarkaas uu ahaa shaqaale Turkish ah, oo waddo laami ah ka dhisaya halkaas.

Wargeysku waxaa uu intaas ku daray in qaraxaas lagu soo beegay isla maalintii dawladda Turkiga ay isku diyaarinaysay taageero ciidan oo la siiyo dawladda caalamku aqoonsanyahay ee Libya. Dowladda Turkiga ayaa taageerta dowladda Tripoli, halka Imaraadka ay taageeraan mucaaradka uu hoggaamiyo Jeneral Khalifa Haftar.

Wargeyska waxaa uu sheegayaa in caddeymo laga helay baabuurkii qarxay ay si toos ah qaraxa ula xidhiidhinayaan Imaaraadka carabta.

Yeni Safak ayaa sidoo kale warbixintiisa ku sheegay in qorshaha qaraxa ay qeyb ka tahay in Imaaraadka, Sacuudiga iyo Masar ay ku cadaadiyaan dowladda Soomaaliya inay xiriirka u jarto Turkiga oo ah dalka ugu saameynta badan dalalka shisheeye ee ku sugan Soomaaliya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top