Connect with us

somalilandtoday.com

Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya Oo Sheegtay In Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho Uu Qorshihiisa Lahaa Dal Shisheeye

News

Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya Oo Sheegtay In Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho Uu Qorshihiisa Lahaa Dal Shisheeye

(SLT-Muqdisho)-Hay’adda nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa Goordhow sheegtay in qaraxii ka dhacay Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho uu qorshayntiisu lahaa Dal shisheeye.

War qoraal ah oo lagu daabacay Bogga Twitter-ka hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in Madaxda Qaranka u gubisay warbixi bilow ah oo tilmaamaysa in Qaraxii ka dhacay Ex-Koontarool Afgooye qorshayntiisa lahaa Dal shisheeye.

Sidoo kale War kasoo baxay NISA ayaa waxaa lagu sheegay inuu socdo baadhitaano la xidhiidha xogta ah in qaraxaas uu ka dambeeyay Dal shisheeye, isla markaana ay la kaashan doonaan Hay’adaha sirdoonka Caalamka qaarkiis.

“Waxaan madaxda qaranka ugudbinay, warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in Xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed loogu gaystay Muqdisho, 28-Dec-2019, uu qorshayntiisa lahaa Dal shisheeye. Baadhitaanka socda si loo dhamaystiro, waxaan la kaashan doonnaa Hay’adaha sirdoonka Caalamka qaarkiis.” Ayaa lagu yidhi War kasoo baxay NISA.

Wargaysyada dalka Turkiga kasoo baxa ayaa daabacay in xogo ay heleen oo ay ku sheegayaan in qaraxii dadka badan ay ku dhinteen oo ka dhacay Ex-Koontarool Afgooye ay ka dambeyso dawlada Imaaraatka Carabta oo siyaasad ahaan kasoo horjeeda hawlaha ay dawlada Turkigu ka wadaan Soomaaliya iyo dalal kale.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in News

To Top