Connect with us

somalilandtoday.com

20 Qof Nolol Iyo Geeri Lagu La’yahay Qaraxii Magaalada Muqdisho

focus

20 Qof Nolol Iyo Geeri Lagu La’yahay Qaraxii Magaalada Muqdisho

(SLT-Muqdisho)-Guddiga gurmadka ee qaraxii Sabtidii ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in 20 qof nolol iyo geeri lagu la’yahay, ka dib qaraxa.

Cisbitaalada Magaalada Muqdisho ayaa waxaa gaaf wareegaya qoysas raadinaya qaar ka mid ah eheladooda oo ay la’yhiin, tan iyo markii uu dhacay qaraxii Ex Control Afgooye.

Guddiga gurmadka ayaa waxay xaqiijiyeen inay la soo xidhiidheen qoysas badan, isla-markaana tirada guud ee loo diiwaangeliyay in la la’yahay ay gaadheyso 20 qof.

Guddiga ayaa Warbaahinta u sheegay in sideed ka mid ah labaatanka qof ee la la’yahay ay yihiin carruur, taasoo walaac xoogan ku haysa waalidoontooda.

Ismiidaaminta ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay 87 qof, halka 148 kalena ay ku dhaawacantay.

Mid ka mid ah dadka geeriyooday ayaa xalay dhaawacii qaraxaasi ka soo gaadhay ugu geeriyootay Magaalada Ankara, wax yar uun ka dib markii ay ka cago dhigatay diyaaraddii ay la socotay. Haweeneydan ayaa lagu magacaabi jiray Amina Cismaan Khayre.

Weerarkan ayaa waxaa loo diiwaangeliyay inuu yahay kii saddexaad ee ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top