Connect with us

somalilandtoday.com

“Naxdin Iyo Tiiraanyo Ka Weyni Ma Jirto In La Gummaado Shacab Aan Waxba Galabsan…” Guddoomiye Cirro Oo Ka Hadlay Qarax Dad Badan Ku Dhinteen Oo Shalay Ka Dhacay Muqdisho

focus

“Naxdin Iyo Tiiraanyo Ka Weyni Ma Jirto In La Gummaado Shacab Aan Waxba Galabsan…” Guddoomiye Cirro Oo Ka Hadlay Qarax Dad Badan Ku Dhinteen Oo Shalay Ka Dhacay Muqdisho

(SLT-Hargeysa)-guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI dr. Cabdiraxmaa Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa ka hadlay qarax dad badan ku dhinteen oo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaanu tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay qaraxaasi waxaanu ku yidhi qoraal uu soo saaray “

Naxdin iyo tiiraanyo ka weyni ma jirto in la gummaado shacab aan waxba galabsan, ardaydii ahayd ubixii soo kacaayey, xoogsato shaqo tag ah, runtii waxa aan si weyn u tacsiyadeynayaa ehelada dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmayba qaraxii bahalnimada iyo ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ilaahay inta dhimatay naxariistiisa janno haka waraabiyo, inta ku dhaawacantayna caafimaad degdeg ah ha siiyo, waxa aan leeyahay dadka reer Muqdisho ee dhibkaasi soo gaadhay, ha is dhiibina walaalayaal!

“Xamar dhaxal umay helin
In dhiig korkeeda lagu qubo
Xamar dhaxal umay helin
In dadkeeda lagu dhibo…” Abwaan Laabsaalax.”

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top