Connect with us

somalilandtoday.com

Mareykanka Oo Ka Hadlay Dhoolatuska Millatari Ee Dalalka Iiraan Shiinaha Iyo Ruushka

focus

Mareykanka Oo Ka Hadlay Dhoolatuska Millatari Ee Dalalka Iiraan Shiinaha Iyo Ruushka

(SLT-Washington)-Wasaarada difaaca Mareykanka ayaa sheegtay in si dhow ay ula socoto dhoolatuska millatari oo ay wadaan wadamada Iiraan Ruushka iyo Shiinaha.

Waan la soconaa dhaqdhaqaaqa ka socda gacanka waxaana sii wadi doonaa in dalalka xulafada aan nahay aan kala shaqeyno xaqiijinta amniga biyo mareenada Caalamka.

Warsaxaafadeedka waaxda Pentagon-ka ayaa waxaa ku saxiixnaa afhayeenka wasaarada gaashaandhiga Sean Robertson.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya kadib markii uu sheegay xoghaya badda Mareykanka mr Thomas Modly uu sheegay in Iiraan falal aan habooneyn ay ka wado gacan biyoodka Hormuz.

Xukuumada Washington ayaa bishii June weeraro lagu qaaday maraakiib ganacsi oo mareysay gacanka Khaliijka ku eedeysay dowlada Tehraan.

Mareykanka ayaa dhanka kale kumanaan askari u diray dalka Sacuudiga taasi oo kaga sii dartay xiisadda ka taagan Gobolka

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top