Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Gaadhay Magaalada Saylac Ee Xarunta Gobolka Salel.

focus

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Gaadhay Magaalada Saylac Ee Xarunta Gobolka Salel.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ku guda jira Safarkii Kormeerka Mashaariicda Maamul daa-dejinta ee JPLG oo galay wajigii saddexaad ayaa safar shaqo ku tegay Magaalada Saylac ee Xarunta Gobolka Salel halkaasi oo waftiga Madaxweyne ku xigeenka si balaadhan loogu soo dhaweeyey.

Waftiga ayaa maray Deeganaada Qolujeed, Boon, Xariirad, Jidhi, Ceelgaal, Caasha caddo iyo Toqoshi oo uu waftiga Madaxweyne ku xigeenku mareen ayaa lagu soo dhaweeyey sidoo kalena waxa uu Madaxweyne ku xigeenku kormeeray mashaariic horumarineed oo laga fuliyey deegamadaasi xadhigana ka jaray dhismayaal cusub sidoo kalena uu dhagax dhigay kuwo kale.

Ugu danbayntiina Waftiga Madaxweyne ku xigeenku hoggaaminayo ayaa gaadhay Magaalada Saylac ee xarunta Gobolka Salel, halkaasi uu madaxweyne ku xigeenku kulan kula qaadan doono masuuliyiin heer gobol iyo heer degmo, waxaana uu Madaxweyne ku xigeenku mudada uu joogo uu u kuurgeli doonaa xaalada guud ee gobolkaasi.

Wa bilaahi tawfiiq

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top