Connect with us

somalilandtoday.com

Maayirkii Hore Ee Hargeysa Cawl Cilmi Cabdalla Oo Geeriyooday, Madaxweyne Biixi Oo Tacsi U Diray

focus

Maayirkii Hore Ee Hargeysa Cawl Cilmi Cabdalla Oo Geeriyooday, Madaxweyne Biixi Oo Tacsi U Diray

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka dalka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cawl Cilmi Cabdalla oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 28/12/2019 Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi ruug-cadaaya oo halgamadii kala danbeeyey ee dalka loo soo maray door muhiima ku lahaa, qayb-weyna ka qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii shacbiga Somaliland, markii danbena noqday maayarka caasimada Somaliland ee Hargeysa oo uu kaga tegay taariikh iyo astaamo ma guuraana muddadii uu xilka hayey.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top