Connect with us

somalilandtoday.com

Ninkii Hore Ee Amiiradda Norway Oo Is Dilay

focus

Ninkii Hore Ee Amiiradda Norway Oo Is Dilay

(SLT-Norway)-Ari Behn, oo uu mar soddog u ahaa boqorka Norway, ayaa geeriyooday isagoo jiray 47 sano, sida uu sheegay afhayeenkiisa.

Behn, oo qoray dhowr buugaag, ayaa guursaday Amiirad Martha Louise sanadkii 2002 balse waxay labadoodu kala tageen laba sanno kahor.

Afhayeenkiisa ayaa wakaaladda wararka Norway ee NTB u sheegay in Behn uu is dilay.

War-saxaafadeed ka soo baxay, boqorka iyo boqoradda Norway ayaa lagu yidhi “wuxuu ahaa qeyb muhiim ah oo qoyskayaga ka tirsanaa sannado badan waxaana u heynaa xusuuso fiican”.

Arooskoodii, Behn oo u dhashay dalka Denmark ayaa lagu mursansanaa inuu noqdo lammaanaha Amiirad Martha Louise, oo ah gabadha keliya iyo curadda Boqor Harald iyo Boqorad Sonja.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top