Connect with us

somalilandtoday.com

Shaqaale Ka Tirsanaa Dekedda Boosaaso Oo Toogasho Lagu Dilay

focus

Shaqaale Ka Tirsanaa Dekedda Boosaaso Oo Toogasho Lagu Dilay

hubeysan ayaa xalay fiidnimadii waxay toogasho ku dileen Cismaan Axmed Askar oo ka mid ahaa shaqaalaha dekedda Boosaaso, xili uu gurigiisa u sii hoyanayey.

Marxuumka ayaa u geeriyooday rasaas ay dableydu kaga fureen qaybaha sare ee jirkiisa.

Goobjoogayaal ayaa VOA u xaqiijiyey in dableydii falka dilka ah geystay ay baxsadeen, mana jiraan wax war ah oo ay laamaha ammaanka ee Puntland ay ka soo saareen.

Arrintan ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo habeenimadii Isniinta ay gudaha magaaladda Boosaaso ay dabley aan haybtooda la garaneyn ku dileen sarkaal ka tirsanaa ciidamada amniga oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Ilkacase.

Dadweynaha magaaladda Boosaaso ayaa si weyn waxay wallaac uga muujinayaan ammniga magaaladda oo toddobaadyadii la soo dhaafay ay ka dhacayeen dilal qorsheysan oo aan weli maamulka Puntland ka hadlin.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top