Connect with us

somalilandtoday.com

Muslimiinta UK Oo Diyaargarow Ugu Jira Caawinta Dadka Hoy La’aanta Ah

focus

Muslimiinta UK Oo Diyaargarow Ugu Jira Caawinta Dadka Hoy La’aanta Ah

(SLT-London)-Hoggaamiyeyaasha dhalinyarada Muslimiinta UK ayaa diyaar garow ugu jira in raashin iyo agabyo kale oo gargaar ah ay gaadhsiiyaan dadka darbi jiifka ah dhammaadka Sannadkaan.

Dhalinyaradan is aruursatay ayaa dhanka kale dadaal ugu jira in howlgalo nadaafadeed ay ka sameeyaan magaalooyinka UK.

Caadil Shaah oo 24 jir ah kana tirsan hey’adda Ahmadiyya Muslim Youth Association ayaa sheegay in ay doonayaan isbadal dhanka nadaafada ah in laga dareemo Ingariiska.

Wuxuu intaa ku daray in maalinta dabaaldega Christmas ka ay u kuurgali doonaan sida wax looga qaban karo dhibaatada heysata dadka darbi Jiifka.

Inkabadan 4,700 ruux oo ku nool UK ayaa ah kuwa darbi jiif ah sida ay sheegtay dowlada sannadkii 2017-dii iyadoo tan iyo waqtigaas ay 15 boqolkiiba ay tirada kor u Kacday.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top