Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Brazil Oo Xasuusta Lumiyay

focus

Madaxweynaha Brazil Oo Xasuusta Lumiyay

(SLT-Brazil)-Madaxweynaha Brazil Jair Bolsonaro ayaa lumiyay xasuustiisa kaddib marki uu kufay oo uu madaxa dhulka ku dhuftay.

Wareysi lala yeeshay salaasadii ayuu madaxweynahan 64-jirka ah ku sheegay in uu ku taraaraxay musqul ku taalla qasriga madaxtooyada, taasoo keentay inuu madaxa ka dhul billaabo.

Wuxuu sheegay in markiiba uu lumiyay xasuustiisa, balse ay dib ugu soo laabatay aroornimadi maalinti xigtay isla markaana uu hadda caafimaad qabo.

Caafimaadka madaxweynaha Brazil ayaa noqday mid ay dad badan walaac ka muujiyeen tan iyo bishii Jannaayo ee sannadkaan.

Afar jeer ayuu maray qalliin lagu saxay dhaawac ka gaadhay caloosha, kaddib marki uu toorreey ku weeraray nin cadheysan bishi September xilli uu ku jiray ololihii doorashada madaxtinimada uu marki danbe ku guuleystay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top